Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa su’aal geliyay waqtiga lagu soo beegay bannaanbaxa mucaaradka ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, xilli doorashooyin qof iyo cod ah ay ka billowdeen deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo bilowga wada-hadallada u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda.
Muuqaal ay baahisay Madaxtooyada Soomaaliya ayuu Madaxweynaha uga hadlay xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka Koonfur Galbeed, xaaladda Muqdisho iyo qorshaha wada-tashiga qaran ee dowladda u fidisay siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Xasan Sheekh ayaa sheegay in bannaanbaxa lagu soo aadinayo maalin dalka ay ka socdaan doorashooyin muhiim ah.
“ Magaalada Muqdisho waxaa loogu dhawaaqay bannaanbax maanta inuu ka dhaco. Horta marka koowaad, bannaanbax maanta in lagu soo aadiyo iyadoo dalka meel ka mid ah doorasho aad u ballaaran ay ka dhacayso, su’aal ayay leedahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in su’aal ay ka taagan tahay sababta bannaanbaxa loogu beegay xilli dowladda Soomaaliya ay ku baaqday shir hordhac u ah wada-tashi siyaasadeed.
“Sababta maanta, oo ay dowladda Soomaaliya ku baaqday shir hordhac ah oo wada-tashi ah, bannaanbax loogu soo aadiyo, si gaar ah su’aal ayay leedahay,” ayuu yiri.
Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aalaha uu isagu soo bandhigay ayaa sheegay in ujeeddada bannaanbaxa ay ahayd in Soomaaliya lagu carqaladeeyo.


