Muqdisho (Dawan) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniintan maanta ah 10-ka arday ee ugu sarreeya imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad u ballanqaaday fursado waxbarasho oo bilaash ah, isagoo ku boorriyay inay sii wadaan dadaalkooda waxbarasho.
Madaxweynaha ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah kula yeeshay Muqdisho ardayda kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaanka dugsiyada sare ee dalka, isagoo ku ammaanay dadaalkooda iyo natiijooyinka ay gaareen.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in arday kasta oo ka mid ah kuwaas oo doonaya inuu waxbarashadiisa jaamacadeed ku sii wato gudaha Soomaaliya uu heli doono fursad waxbarasho oo bilaash ah, sida ay sheegtay Madaxtoyada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu dhiirrigeliyo ardayda ugu sarreysa iyo jiilka cusub ee dalka, isagoo ku boorriyay inay sii laba-jibaaraan dadaalkooda.