MUQDISHO (Dawan) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay inuu gacanta ku hayo dacwado la xiriira cay, sumcad-dil, isku dirka bulshada, faafinta sawirro anshax-xumo ah, been-abuur iyo kicinta bulshada dhexdeeda.
Qoraal kasoo baxay xafiiska maanta ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah dadka loo gudbiyay maxkamad, halka kuwo kalena ay weli socdaan baaritaannadooda. Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa ku tilmaamay falalkan kuwo khatar ku ah xasilloonida bulshada, kalsoonida guud iyo sumcadda dadka.
Xafiiska ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay inuu si adag tallaabo sharci ah uga qaadi doono cid kasta oo ku kacda falal wax u dhimaya sharciga iyo nidaamka guud, isagoo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay ilaalinta sharafta, sumcadda iyo amniga bulshada Soomaaliyeed.