Muqdisho (Dawan) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Isxaaq Maxamed, oo loo yaqaan Xildhibaan Cabdow, ayaa sheegay inuu doonayo inuu isu sharraxo xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo sheegay in himiladiisa siyaasadeed aysan ku ekeyn sii ahaanshaha xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Wareysi uu siiyay barnaamijka Wakiil Bulsho Podcast ee Dawan, ayuu Cabdow ku sheegay inuu aaminsan yahay inuu leeyahay kartida iyo aragtida lagama maarmaanka u ah hoggaaminta dalka.
“Waxaan rabaa inaan Madaxweyne ka noqdo dalka. Kartideeda waan leeyahay, maskaxdeedana waan leeyahay, waxaana aaminsanahay inaan Soomaaliya wax badan ku soo kordhin karo,” ayuu yiri.
Xildhibaanka ayaa sheegay in siyaasadda uu u soo galay si uu waqtigiisa ugu huro adeegga bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay inuu leeyahay qorshe uu ku gaari karo himilooyinkiisa siyaasadeed.
“Xildhibaanimada wax ka weyn ayaan rajeynayaa. Waxaan rajeynayaa inaan Madaxweyne noqdo. Waligey qorshahaygu ma ahayn inaan xildhibaan sii ahaado oo keliya,” ayuu yiri.