Soomaaliya (Dawan)- Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal, oo ka mid ah xildhibaannada federaalka, ayaa si rasmi ah u shaacisay inay iska casishay xubinnimadii ay ka haysay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).
Qoraal kooban oo ay ku baahisay barteeda bulshada ee Facebook, ayay ku sheegtay inay ka tagtay xisbiga, iyadoo hore uga haysay xilka Xoghayaha Batroolka iyo Macdanta ee JSP.
Xildhibaannadu ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababaha ku kallifay go’aanka ay qaadatay.


