Muqdisho (Dawan)- Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi, oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidamadii weerarka ku qaaday magaalada Baydhabo aysan ahayn kuwa ka tirsan ururka Al-Shabaab, balse ay ahaayeen, sida uu hadalka u dhigay, "dadkii magaaladaas markii hore xoogga looga saaray oo xaqooda u diriraya."
Xildhibaanka ayaa yiri: "Baydhabo dadkeedaa iska leh. Dadkaas, ninkii ku dareen ah ayaa u haraya magaaladaas."
Saadaq ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu masuul ka yahay dagaalka ka dhacay Baydhabo. Waxa uu sheegay in dowladda ay magaalada geysay hoggaan aysan shacabka deegaanka raalli ka ahayn.
Waxa uu yiri: "Madaxweyne Xasan Sheekh, Aadan Madoobe Golaha Shacabka wuu ku hayn karaa, laakiin Baydhabo kuma hayn karo."