Tanzania ( Dawan) – Maxkamadda Racfaanka ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa qaaday xayiraaddii shaqo ee saarnayd xildhibaannada Soomaaliya ku metela Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA), taas oo u oggolaanaysa inay si rasmi ah u bilaabaan gudashada waajibaadkooda sharci-dejineed. Go’aankan ayaa meesha ka saaray amar hore oo hakad gelinayay dhaarinta sagaalka xildhibaan ee Soomaaliya, arrintan oo muddo bilo ah dib u dhigtay ka qaybgalka buuxa ee Soomaaliya ee hay’adaha sharci-dejinta ee ururka gobolka.
Xayiraaddaas ayaa ka dhalatay dacwad laga keenay sharcinimada hannaanka xulashada wakiillada Soomaaliya.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda federaalka, Maxkamadda Racfaanka ayaa xukunkeedii ugu dambeeyay ku diiday dhammaan doodihii ka dhanka ahaa xildhibaanada, iyadoo ansixisay magacaabistii ay soo gudbisay dowladda Soomaaliya.





