Muqdisho (Dawan ) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay in maalinta Khamiista ah oo ku beegan 2 abriil la dhaarin doono xubnaha ku guuleystay doorashadii Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, taasoo qayb ka ah dhammeystirka geeddi-socodka doorashooyinka heer deegaan.
Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan, oo la hadlay wakiillo ka socday ururrada siyaasadeed ee ka qayb galay doorashada, ayaa sheegay in dhaarintu ay khusayso 390 xubnood oo laga soo doortay 20 urur siyaasadeed oo ku tartamay doorashadii 25-kii Diseembar ee sanadkii hore ka dhacday Muqdisho.
“Waxaan qorsheynay inaan dhaarinno 190-ka xubnood ee ku guuleystay doorashadii Golaha Deegaanka Banaadir ee ka kala socday labada urur siyaasadeed” ayuu yiri Cabdikariim Axmed Xasan
Wuxuu sheegay in tallaabadan ay daba socoto go’aanno sharci ah oo ay soo saartay Maxkamadda Sare, kuwaas oo meesha ka saaray caqabado horay u jiray, islamarkaana u oggolaaday guddiga inuu u gudbo wejiga hirgelinta.
Kadib dhaarinta, guddiga ayaa qorsheynaya in xubnaha cusub la siiyo tababar ku saabsan waajibaadkooda sharci, shaqada golaha deegaanka, iyo mas’uuliyadda ay u leeyihiin shacabka, isagoo xusay in xubnuhu ay u adeegayaan hay’adaha dowliga ah, halkii ay ka shaqeyn lahaayeen dano shaqsiyeed ama qabiil.


