Addis Ababa (Dawan) – Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya ayaa ku guulaystay 438 kursi oo ka tirsan Golaha Wakiillada Shacabka oo ka kooban 501 kursi, taas oo ka dhigaysa xisbiga helay kuraasta ugu badan doorashadii guud ee 7-aad ee dalka.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee JDFI ayaa shaaciyay natiijada kama dambaysta ah ee doorashada, taas oo la qabtay 1-da Juun 2026. Guddigu wuxuu sheegay in natiijada la ansixiyay, isla markaana si rasmi ah loo meel mariyay.
Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya, Tesfaye Neway, ayaa munaasabad lagu soo bandhigayay natiijada ka sheegay in doorashadu ay soo martay dhammaan habraacyadii loogu talagalay, isla markaana guddigu xaqiijiyay natiijada guud ee doorashada.
Marka loo eego natiijada la shaaciyay, Xisbiga Barwaaqo ayaa si weyn uga horreeyay xisbiyada mucaaradka, isagoo helay aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka. Guushan ayaa u saamaxaysa xisbiga inuu sii xoojiyo awooddiisa siyaasadeed ee Golaha Wakiillada Shacabka.