Muqdisho (Dawan) — Xisbiga mucaaradka ah ee Himilo Qaran ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu masuul ka noqon doono cawaaqib kasta oo ka dhasha weerarro lagu qaado xarumaha siyaasiyiinta, sida lagu sheegay bayaan uu xisbigu soo saaray Axaddii. Xisbigu wuxuu sheegay in Madaxweynaha, oo uu ku tilmaamay mid muddo-xileedkiisu dhammaaday, uu qaadi doono masuuliyadda waxyeello kasta oo ka dhalata weerar lagu qaado xarumaha siyaasiyiinta.
“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu qaadi doono masuuliyadda iyo cawaaqib-xumo kasta oo ka dhalata duullaan lagu qaado xarumaha siyaasiyiinta,” ayuu xisbigu ku sheegay bayaankiisa.