Jowhar (Dawan) – Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Soomaaliya ayaa xarun ka furtay magaalada Jowhar, oo ah caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyadoo la dardargelinayo hawlaha siyaasadeed ee xisbiga, sida ay sheegeen mas’uuliyiin.
Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa si rasmi ah u daah-furay xarunta Arbacadii.
“Maanta waa maalin weyn, waa xaruntii labaad ee JSP ee laga furo Hirshabeelle,” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda.
Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle, xubno ka tirsan hoggaanka xisbiga, duqa magaalada Jowhar iyo qaybo ka mid ah bulshada, sida lagu sheegay bayaanka.


