Hargeysa (Dawan)— Afhayeenka guud ee xisbiga KAAH Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa su’aal geliyay qorshaha Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, uu ku sheegay in ilaa 2,000 askari loo diri karo Gaza haddii Mareykanka iyo Israa’iil ay codsadaan.
Afhayeenku wuxuu sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay in ciidamada Somaliland ay wax ka qabtaan caqabadaha amni ee gudaha. Wuxuu si gaar ah u xusay baahida loo qabo in la soo furto maxaabiista uu sheegay inay ku xiran yihiin Laascaanood, iyo in wax laga qabto xaaladda amni ee ka jirta galbeedka Somaliland, gaar ahaan qaybo ka mid ah Awdal iyo Salal.
Aragtida KAAH waxay ku saleysan tahay in awoodda ciidan iyo kheyraadka amni ee Somaliland marka hore loo adeegsado wax ka qabashada arrimaha gudaha, ka hor inta aan loo fidin hawlgallo caalami ah.