Hargeysa (Dawan) – Xisbiga mucaaradka ah ee KAAH ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Somaliland inay ku dhaqmeyso siyaasad diblomaasiyadeed oo ku dhisan colaad, cay iyo cambaareyn, gaar ahaan marka ay la macaamilayso dalalka ay Somaliland la wadaagto dano siyaasadeed, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed.
Guddoomiyaha Xisbiga KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo khudbad ka jeediyay Hargeysa, ayaa sheegay in xukuumaddu si khaldan u fasirtay horumarrada diblomaasiyadeed ee ay gaartay Somaliland, isla markaana ay u dhaqmeyso sidii ay u heshay aqoonsi buuxa oo caalami ah.
Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in aqoonsiga buuxa uu yahay marka Somaliland ay aqoonsadaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, isla markaana ay hesho kursi rasmi ah oo ay ku yeelato hay’adaha caalamiga ah.
“Annagu waxaan u aragnaa ictiraafka aynu helnay inaanu ahayn aqoonsi buuxa. Aqoonsiga buuxa waa marka Qaramada Midoobay iyo dhammaan dalalka xubnaha ka ahi ay ku aqoonsadaan, isla markaana kursi laga siiyo,” ayuu yiri.
Guddoomiyaha KAAH ayaa ku dhaliilay xukuumadda inay ku degdegtay buunbuuninta waxa uu ku tilmaamay guulo diblomaasiyadeed, isagoo sheegay in Somaliland ay weli u baahan tahay dadaal dheeraad ah si ay u kasbato aqoonsiga dalal badan.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta xukuumadda inay hadallo adag u adeegsadaan dalal ay Somaliland dano muhiim ah kala dhexeyaan, sida Jabuuti, Sacuudiga iyo Turkiga.
Sida uu sheegay, dalalkaas waxay Somaliland la leeyihiin xiriirro dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed, mana habboona in lagu wajaho colaad, xitaa haddii ay ku kala aragti duwan yihiin arrinta aqoonsiga Somaliland.