Jalalaqsi (Dawan) – Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo aha xigbiga talada haya ayaa xarun cusub ka furay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan , iyadoo ay qayb ka tahay dadaallada uu xisbigu ku ballaarinayo joogitaankiisa siyaasadeed iyo xarumaha uu ku leeyahay magaalooyiin kala duwn ka hor doorashooyinka soo socda.
Xoghayaha Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee xisbiga, Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo ka hadlay munaasabadda daahfurka Isniintii, ayaa sheegay in tallaabadan ay muujineyso ahmiyadda istiraatiijiyadeed ee Jalalaqsi, inkastoo xisbigu weli uusan xarumo ka furin magaalooyinka waaweyn sida Beledweyne iyo Buulo Burde.
Wuxuu ku tilmaamay Jalalaqsi magaalo muhiim u ah xisbiga, isaga oo xusay muhiimaddeeda astaan ahaan, maadaama ay tahay magaalada uu ku dhashay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah Guddoomiyaha xisbiga.
“Waxaan ku sharafnay inay ka mid noqoto degmooyinka ugu horeeyay ee qaata xisbiga JSP, kadib Baydhabo,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya xarun dhowaan laga furay maaglada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ahayd tii u horreeysay.


