Muqdisho (Dawan )– Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa sheegay inuu si rasmi ah u aqbalay iscasilaadda Xoghayaha Guud xisbiga, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, kaas oo sidoo kale ka baxay xubinnimada xisbiga.
War-saxaafadeed uu xisbigu soo saaray xalay oo Khamiis ah ayaa lagu sheegay in Odowaa uu gudbiyay iscasilaaddiisa xilka hoggaanka iyo xubinnimada, isla markaana hoggaanka xisbigu uu aqbalay go’aankaas.
Xisbiga ayaa sheegay in uu magacaabi doono Xoghayaha Guud ee cusub si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka u degsan, iyadoo la raacayo habraacyada rasmiga ah si loo hubiyo sii socoshada howlaha xisbiga.
