Galmudug (Dawan) – Xisbiga Towfiiq ayaa si rasmi ah u qaadacay natiijadii doorashada Galmudug ee uu guddiga doorashooyinka shaaciyay Isniintii, isagoo ku eedeeyay guddiga inay wax ka beddeleen codadkii la dhiibtay isla markaana ay xisbiga ka duudsiyeen kuraas iyo codad uu sheegay inuu ku guuleystay.
War-saxaafadeed uu soo saaray xisbigu ayuu ku sheegay in natiijada lagu dhawaaqay ay ahayd mid ay hareeyeen musuq-maasuq iyo wax-isdaba marin, taas oo, sida uu sheegay, aan ka tarjumayn codbixintii shacabka.
Xisbiga Towfiiq wuxuu sheegay in wakiilladiisii goobaha codbixinta ay diiwaangeliyeen inuu helay 53,054 cod, oo u dhiganta 52.81% codadkii Golaha Wakiillada. Hase yeeshee, guddiga doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in xisbigu uu helay ku dhowaad 26,000 cod oo keliya.
Sidoo kale, xisbigu wuxuu sheegay in xogta ay ururiyeen wakiilladiisu ay muujinayso inuu ku guuleystay 134 kursi oo ka mid ah 243-ka kursi ee golayaasha deegaanka, isagoo helay 54,064 cod.
Xisbiga ayaa sheegay in farqiga u dhexeeya natiijada uu ururiyey iyo tan guddigu ku dhawaaqay uu yahay sababta uu u qaadacay natiijada doorashada.