Galmudug (Dawan) – Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa shaaciyey natiijada doorashadii Golaha Wakiillada ee ka dhacday 11 degmo oo ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, taas oo muujisay in Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka uu ku guuleystay kuraasta ugu badan.
Sida guddigu shaaciyay, doorashada waxaa ku tartamay 12 urur siyaasadeed, waxaana ka qeybgalay 197,971 codbixiye. Codadka ansaxay waxay noqdeen 193,451, halka 4,520 cod lagu tilmaamay kuwo xumaaday.
Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa noqday ururka ugu codadka iyo kuraasta badan, isagoo helay 135,247 cod oo u dhiganta 69.91 boqolkiiba codadkii ansaxay, wuxuuna ku guuleystay 63 ka mid ah 89-ka kursi ee Golaha Wakiillada, taas oo ka dhigan 70.79 boqolkiiba guud ahaan kuraasta golaha.
Ururka Towfiiq ayaa galay kaalinta labaad, isagoo helay 26,003 cod oo u dhiganta 12 kursi. Waxaa ku xigay Ururka SICAD oo helay 12,862 cod iyo lix kursi, halka Ururka Karaama uu helay 10,668 cod iyo shan kursi.
Sidoo kale, Ururrada Madalsan, SAAB iyo Ramaas ayaa min hal kursi ku guuleystay. Madalsan wuxuu helay 2,172 cod, SAAB wuxuu helay 2,634 cod, halka Ramaas uu helay 2,585 cod.