BY Abukar Osman
Labada xisbi mucaarad ee Somaliland ee KAAH iyo KULMIYE ayaa markii ugu horreysay yeeshay kulan rasmi ah tan iyo doorashadii madaxtinimada ee bishii November 2024, taasoo xisbiga WADDANI uu ku guuleystay.
Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Hargeysa, waxaana labada dhinac ay si gaar ah uga wada hadleen arrimaha siyaasadda Somaliland, xaaladda gobolka Sool iyo Sanaag Bari, hannaanka doorashooyinka, iyo saameynta abaarta, gaar ahaan Gobolka Awdal.
Kulanka waxaa uga qeybgalay labada dhinac wakillo ay horkacayeen Guddoomiyaha xisbiga KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo Guddoomiyaha KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed.