Muqdisho (Dawan)— Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka, Sheekh Dr. Maxamed bin Cabdul Kariim Al-Ciisaa, ayaa markii ugu horreysay booqasho ku yimid Soomaaliya, isagoo magaalada Muqdisho kula kulmay madaxda dowladda, culimada Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha diinta.
Al-Ciisaa waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, Mukhtaar Roobow, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, iyadoo booqashadu ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo hay’adaha waaweyn ee dunida Islaamka.
Kadib soo dhaweynta, Al-Ciisaa ayaa khudbad ka jeediyay Masjidka Cali Cali Jimcaale, isagoo sidoo kale ka qeybgalay Madasha Culimada Soomaaliyeed, oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Culimada Soomaaliyeed iyo culimo kale. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo dunida Islaamka, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada diinta, nabadda, horumarinta bulshada iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah.
Booqashada Al-Ciisaa iyo Madasha Culimada Soomaaliyeed ayaa loo arkaa fursad muhiim ah oo lagu sii xoojin karo xiriirka Soomaaliya iyo hay’adaha waaweyn ee dunida Islaamka, iyadoo Muqdisho ay martigelisay kulan xambaarsan farriin ah in Soomaaliya ay qeyb muhiim ah ka tahay Qalbiga Caalamka Islaamka.
Sheekh Cali Maxamuud Xasan, oo loo yaqaan Cali Wajiis, ahna xoghayaha Golaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in Sacuudigu sii ballaariyo kaalintiisa ku aaddan dib-u-dhiska dalka. “Waxaan rabnaa in dowladda Sacuudiga ay kaalin weyn ka qaadato arrimaha Soomaaliya. Sida ay horay uga soo gurman jirtay abaaraha, hadda Soomaaliya way kasoo gudubtay marxaladdaas, waxayna maraysaa dib-u-dhis.”