Baydhabo (Dawan) — Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay liiska rasmiga ah ee xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shaacinta liiskan ayaa daba socota go’aankii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay ku ansixisay natiijooyinkii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, kuwaas oo dhacay 10-kii May.
Warqad ka soo baxday guddiga, kuna taariikhaysan 25-ka May, ayaa lagu sheegay in liiska la shaaciyay uu yahay xubnaha ku guuleystay kuraasta Golaha Wakiillada cusub ee Koonfur Galbeed.
Guddiga ayaa shaaciyey 92 xubnood oo golaha ah, halka saddex kursi oo ka mid ah liiska guud ee Golaha Wakiillada ay weli ka maqan yihiin. Guddigu wuxuu faray ururrada siyaasadeed ee ku tartamay kuraastaas inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhammaystiraan xubnaha ka maqan liiskooda.


