Jabuuti, 13 Janaayo 2026 (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa tallaabo ku aaddan diyaar garwoga doorashada madaxtinnimada ee bisha Abriil, hore u qaaday ah oo kaddib markii ay Isniintii la dhaariyay 21 xubnood oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Madaxa-bannaan .
Munaasabadda dhaarinta oo ka dhacday Guriga Shacabka ee caasimadda Jabuuti ayaa waxaa dhaariyey Guddoomiyaha Golaha Dastuurka, Cabdi Ismaaciil Xirsi, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, oo uu ku jiro Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Saleebaan Muumin Rooble.
Dhaarin ka dib, Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah u bilaabaya hawlaha la xiriira diyaarinta codbixinta la qorsheeyay inay dhacdo 10-ka Abriil, doorasho uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u tartami doono muddoxileedkiisa lixaad.
Guddigan oo ah hay’ad kumeel-gaar ah oo la hawlgeliyo xilliyada doorashada, ayaa ka kooban xubno ay magacawday dowladda, xubno ka socda Golaha Qaranka, garsoorayaal, iyo wakiillo ka kala socda bulshada rayidka ah iyo xisbiyada siyaasadda. Sidoo kale, mid kasta oo ka mid ah shanta gobol ee dalka ayaa leh guddi-hoosaadyo maxalli ah oo kormeera habsami-u-socodka codbixinta.





