Muqdisho (Dawan)– Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kala diray Guddigii Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, waxaana Yaasiin Maxamuud Cibaar loo magacaabay Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah ee Rugta.
Go’aanka ayaa lagu gaaray kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, kaddib soo-jeedin ay Golaha u gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Golaha Wasiirrada ayaa Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah u xil saaray inuu muddo laba sano gudahood ah diyaariyo habraaca doorashada, isla markaana hoggaamiyo dhismaha guddiga cusub ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan (Galaanbi), ayaa Dawan Media u sheegay in Rugta Ganacsigu aysan ahayn hay’ad dowladeed oo ay xukuumaddu si toos ah u maamusho, isla markaana xeerkeedu dhigayo in hoggaankeeda ay soo doortaan xubnaha Rugta.