Soomaaliya, Maarso 22 (Dawan) – Xulka qaranka Soomaaliya ayaa Sabtidii u dhoofay dalka Mozambique, halkaas oo ay kula ciyaari doono dhiggiisa Mauritius kulan ka tirsan wareegga hordhaca ah ee isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika (AFCON) 2027, sida uu sheegay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed (SFF).
Xulka “Ocean Stars” ayaa kulanka lugta hore ku ciyaari doona garoonka Lalgy Arena ee dalka Mozambique, 28-ka Maarso 2026.
Dalka ku guuleysata labada kulan ee isreeb-reebka ayaa u gudbi doonta heerka guruubyada ee tartanka 2027, kaas oo ay si wadajir ah u martigelin doonaan dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania.
