Muqdisho (Dawan)— Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay soo xaadireen 142 xildhibaan lagu horkeenay afar hindise-sharciyeed oo cusub, kuwaas oo qaarkood durba ka dhex abuuray xildhibaannada dood iyo aragtiyo kala duwan.
Hindise-sharciyeedyada Golaha la horkeenay ayaa kala ah; Hindise-sharciyeedka Arrimaha Qoyska,
Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Hindise-sharciyeedka Dambiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale.
Qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa dood ka keenay qodobo ku jira hindise-sharciyeedyada, gaar ahaan kuwa la xiriira xuquuqda carruurta iyo arrimaha qoyska.
Xildhibaanno kale ayaa su’aal ka keenay sababta hal mar Golaha loo horkeenay tiro intaas le’eg oo hindise-sharciyeeyaal ah, iyagoo sheegay in arrintaasi ay adkeyn karto in si qoto dheer loo akhriyo loogana doodo sharci kasta.
Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Dhabancad ayaa ka mid ahaa xildhibaannadii dhaliilay habka hal mar Golaha loogu soo bandhigay hindise-sharciyeedyadan.
“Intaan oo la keenayo hal mar inaan la akhrin karin oo waxba laga qaban karin waa la arkaaye. Waa qowda maqashi waxna ha u qaban. Mid mid ha loo keeno, si wanaagsan oo nidaam lehna ha loo kala akhriyo, waayo nin intaan ma akhrin karo,” ayuu yiri.
Maxaa ku jira Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Carruurta?
Qodobo ka mid ah Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Carruurta ayaa xaddidaya shaqada carruurta iyo ka qeybgalka ay ku yeelan karaan qaar ka mid ah howlaha ganacsi iyo shaqo.