Yemen (Dawan) – Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheetgay in Israa’iil aysan ku guuleysan doonin waxa ay ugu yeereen “qorsheyaal ay ka wado Soomaaliya iyo Geeska Afrika”, iyada oo sidoo kale ku gooddiyay inay si dhow ula socon doonaan dhaq-dhaqaaqyada Israa’iil ee gobolka.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Xuutiyiinta (ee caalamku aqoonsanayn) oo lagu faafiyay wakaaladda wararka Sabaa ee ay maamulaan, ayaa si adag loogu cambaareeyay booqashada Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu ku tagay Israa’iil.
Xuutiyiintu waxay sheegeen in booqashadaasi tahay mid “aan la aqbali karin”, isla markaana ay ka dhigan tahay isku xirnaansho siyaasadeed oo khatar ah oo u dhexeeya maamulka Somaliland iyo Israa’iil.
“Ciddii booqata, gacan qaadda ama aqoonsata dembiilayaasha dagaalka ee Sahayuuniyadda, waa inay dareemaan ceeb iyo xishood,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Kooxda Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegtay in Israa’iil aysan awoodi doonin inay ka fuliso waxa ay ku tilmaameen “qorshayaal qarsoon” oo ka dhan ah Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, iyadoo ku adkeystay in Yemen ay si dhow ula socon doonto xaaladda.