Dhuusamareeb (Dawan)- Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii ku-celiska ahayd ee Galmudug, taas oo dib loo qabtay kadib markii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay 24-kii Agoosto burisay natiijadii doorashadii 30-kii Luulyo, iyadoo sheegtay in habkii doorashada loo maamulay uusan waafaqsanayn Dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka.
Doorashada ku-celiska ah ayaa 30-kii Sebtembar ka dhacday 11 degmo, iyadoo ay ku tartameen 12 urur siyaasadeed. Doorashadu waxay ahayd mid isa saaran oo mar qura lagu dooranayay Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka.
Sida natiijada ay guddigu shaaciyeen, Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa helay 67 kursi oo ka mid ah 89-ka kursi ee Golaha Wakiillada Galmudug, taasoo ka dhigaysa ururka helay kuraasta ugu badan doorashadan. Guddiga ayaa sheegay in guud ahaan 149,475 qof ay codeeyeen doorashada, iyadoo codadka laga dhiibtay 11-ka degmo.
Natiijada waxaa shaaciyay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan, oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo lagu soo bandhigay natiijada doorashada.