Galmudug (Dawan) – Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa shaaciyey natiijada doorashadii golayaasha deegaanka ee ka dhacday 11 degmo oo ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, taas oo muujisay in Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka uu ku guuleystay kuraasta ugu badan.
Sida uu guddigu sheegay, doorashada waxaa ka qeyb galay 197,971 qof, waxaana 191,504 cod ay noqdeen kuwo ansax ah, halka 6,467 cod lagu tilmaamay kuwo xumaaday.
Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa kaalinta koowaad galay, isagoo helay 106,388 cod oo u dhiganta 55.55 boqolkiiba codadkii ansaxay, waxaana uu ku guuleystay 115 ka mid ah 247-ka kursi ee golayaasha deegaanka.
Ururka Towfiiq ayaa galay kaalinta labaad, isagoo helay 26,063 cod iyo 49 kursi. Waxaa ku xigay Ururka Karaama oo helay 22,029 cod iyo 29 kursi, halka Ururka SICAD uu ku guuleystay 19,901 cod iyo 25 kursi.