Jabuuti, Abriil 10 (Dawan ) – Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaawday dalka Jabuuti doorashada madaxtinimada, iyadoo codbixiyayaashu ay u dareereen xarumaha codbixinta subaxnimadii hore.
Doorashadan waxaa ku tartamaya Madaxweynaha xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle, oo loo arko inuu yahay musharraxa ugu cadcad, iyo musharraxa mucaaradka ah Maxamed Faarax Samatar oo ka socda xisbiga Dimuqraadiga Mideysan ee CDU, kaas oo doonaya inuu sameeyo beddel siyaasadeed.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in in ka badan 256,000 oo muwaadiniin ah ay xaq u leeyihiin inay codeeyaan, iyadoo natiijooyinka hordhaca ah la filayo in lagu dhawaaqo habeenimada Jimcaha illaa Sabtida.
Goobaha codbixinta ee caasimadda Jabuuti iyo magaalooyinka kale ayaa laga soo warinaya in hannaanka cod bixintu ku socdo jawi deggan, iyadoo dadwaynuhu ay u codeeynayan si nidaamsan.
Sidoo kale, waxaa doorashada kormeeraya 67 kormeere oo ka socda Midowga Afrika, IGAD, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Jaamacadda Carabta.
Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle ayaa doorashada gelaya isagoo haysta taageero xooggan, halka Maxamed Faarax Samatar uu isku dayayo inuu kasbado codbixiyayaal doonaya isbeddel siyaasadeed.


