Muqdisho (Dawan)- Dhismaha xukuumad aan ku saleysnayn xisbi guuleystay iyo axsaab isku garab dhacay oo wadaaga talada midna, halbeegga qabiilkuna yahay miisaanka kaliya ee la heli karo waa howsha koowaad ee dowlad kasta ee dhalata.
Dhamaadka dhismaha xukuumadda iyo u dhaqaaqidda howlgalka waa billowga khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Kala kooxeysiga, hiillada qabiilka iyo is eedeynta bilaabata waxay ku dhamaataa Golaha shacabka iyadoo galaafata Ra’iisul Wasaaraha. Madaxweynaha oo la daallaa dhacaya garaafooyinkii ka soo gaaray riigtanka Ra’iisul Wasaarihiisa ayaa billaaba dhismaha xukuumad cusub oo kale, meertadaas ayey ku soo socotay tan iyo dib-u-dhiskii dowladda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha nasiibka badan ayaa arrintaan la kulmay ugu yaraan laba jeer, kuwa kalane waxay gaarayeen saddex iyo ka badan. Ra’iisul Wasaaraha ugu dambeeya muddo xileed kastana waxa uu sabab u noqdaa guul darrada Madaxweyanaha marka doorashada la gaaro. Waa dhaqan siyaasadeed oo aan marna doorsoomin, qarankana qoorta iyo qoobka iskaga xiray, sababta ugu weyn ee burburka iyo dib u dhacana noo ahaa.
Doorasho kasta oo uu dalku galay laga soo billaabo 1960-kii waxaa la socday hubanti la’aan iyo walwal ay bulshadu ka qabtay burbur dowladeed. Jamhuuriyaddii curadka ahayd ee la dhalatay xornimada kuna saleysneed nidaamka dimuqoraadiga axsaabta badan waxay ku burburtay gacanta ciidamada kadib u-qaadan waa ka dhashay natiijada axsaabta qabiileysan ee hareeyay labadii doorasho ee dhacay.
Jamhuuriyaddii kalitaliska ee muddada ugu badan xukuntay waddanka waxay ku burburtay gacmaha kacdoomayaal siyaasiyiin ah oo ka biya diiday hab-xukunkii qabiilka ku dhisan ee askarta.