Doha (Dawan) — Soomaaliya iyo Yemen ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kaga wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyagoo diiradda saaray ilaalinta amniga iyo badqabka maraakiibta iyo wax ka qabashada khataraha amni ee gobolka, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Qurbo-joogta Yemen Axadii.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa Doha kulamo gaar ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Qurbo-joogta Yemen Afrah Al-Zuba, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Yemen.
Kulamada ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, xaaladda gobolka iyo arrimaha ay labada dhinac daneynayaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Yemen ayaa sheegtay in wasiir Al-Zuba ay ku celisay mowqifka Yemen ee taageerada midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo diiddan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada Soomaaliya ama faragelin ku ah arrimaheeda gudaha.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in xasilloonida Yemen iyo Soomaaliya ay muhiim u tahay amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika.