Muqdisho, 1 Febraayo 2026 (Dawan)— Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa niyad jab ka muujisay caqabadaha soo food saaray u diyaargarowga wada-hadallada siyaasadeed ee muddada dheer la sugayay, kuwaas oo lagu waday nay ka qabsoomaan Muqdisho.
Safiir Di Mauro ayaa qoraal ay ku daabacday barta X ku sheegtay inay tahay “wax laga xumaado” in wafdiga hordhaca ah ee ka socday maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay maanta ku guuldarreystaan inay soo gaaraan caasimadda.
“Waa wax laga xumaado in kooxaha hordhaca ah ee Puntland iyo Jubaland ay maanta imaan waayeen Muqdisho,” ayay tiri safiirku.
Waxay intaas ku dartay in arrintan ay u muuqato mid ka dhalatay “is-faham la’aan”, iyadoo muujisay rajadeeda ah in dhammaan dhinacyadu ay xal u heli doonaan si wada-hadalkan muhiimka ahi u qabsoomo, loona abuuro jawi ku habboon doodaha nuxurka leh, kuwaas oo horseedi kara jid cad oo ku aaddan geeddi-socodka doorashooyinka.
Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay celisay diyaarado ka soo kacay Kismaayo iyo Garoowe, kuna soo jeeday Muqdisho, kuwaas oo siday kooxo hordhac ah iyo ilaalada madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.