Brussels (Dawan)— Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa si wadajir ah magaalada Brussels ee dalka Belgium ugu qabtay shir heer sare ah oo looga hadlay qorshaha Soomaaliya ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga iyo geeddi-socodka kala-guurka amniga dalka.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, shirka waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka socday 50 dal, oo ay ku jiraan dowladaha safka hore, ururrada caalamiga ah iyo kuwa goboleed. Waxaa diiradda lagu saaray istaraatiijiyadda lagu xaqiijinayo in Soomaaliya si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amnigeeda.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka shirka, isagoo sheegay in taageerada iyo iskaashiga saaxiibbada caalamiga ahi ay muhiim u yihiin hirgelinta geeddi-socod kala-guur amni oo qorsheysan, kuna saleysan baahiyaha iyo mudnaanta dalka.