Hargeysa (Dawan) — Somaliland ayaa maanta oo Khamiis ah diidday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay awood ku yeelato xiriirkeeda dibadda iyo heshiisyada ay la gasho dalalka kale, iyadoo Muqdisho ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimo ay Somaliland u aragto inay hoos yimaadaan awooddeeda.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, tallaabooyin ay dhawaan qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay isku day lagu xaddidayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland.
Wasaaraddu waxay sheegtay in xiriirrada diblomaasiyadeed, iskaashiga dhaqaale iyo heshiisyada istaraatiijiga ah ee Somaliland aysan u baahnayn oggolaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.