Muqdisho (Dawan)- Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu daahfuray qorshe loogu qaaraamayo maxaabiista ku jira xabsiyada dalka ee u xiran arrimo la xiriira deymo ama magdhow lacageed. Shirkan oo loogu magac daray U-qareemidda Maxaabiista Qaameysan, waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa sheegtay in qaar ka mid ah maxaabiista ku jira xabsiyada dalka ay dhammaysteen muddadii xabsi ee maxkamaduhu ku xukumeen, balse ay weli xabsiyada ku jiraan, maadaama aysan awoodin inay bixiyaan deymaha ama magdhowga lacageed ee lagu leeyahay.
Qorshahan ayaa ujeedkiisu yahay in gargaar maaliyadeed loo fidiyo maxaabiista danyarta ah ee buuxiya shuruudaha, si ay xorriyaddooda dib ugu helaan marka ay dhammaystaan xukunnadooda, balse ay lacagaha lagu leeyahay ka hor istaagaan inay xabsiga ka baxaan.
Xogta lagu soo bandhigay shirka ayaa muujinaysa in Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ay ku jiraan 292 maxbuus oo loo haysto deymo ama qaamo lacageed. Maxaabiistaas, 188 qof ayaa da’doodu u dhexaysaa 20 ilaa 60 sano, toddoba qof ayaa ah waayeel, 10 qofna waa dumar, halka 35 maxbuus ay da’doodu ka yar tahay 20 sano. Wadarta lacagta lagu leeyahay maxaabiistan ayaa lagu sheegay inay ku dhowdahay 11 milyan oo dollar.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in sannadihii 2025 iyo 2026 ay Xabsiga Dhexe ugu xirnaayeen qaamo lacageed 127 qof.