Muqdisho (Dawan) — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Khamiis ah safiirka Imaaraadka Carabta ugu baaqay inuu dalka ka baxo, isagoo ku eedeeyay inuu matalo waxa uu ku tilmaamay “fidno iyo shar”, xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Muqdisho iyo Abu Dhabi.
“Waan ka daalnay safiir matala fidno iyo shar,” ayuu Fiqi ku qoray afka Carabiga bartiisa X. “Boorsadaada qaado oo bax; Soomaaliya way ka weyn tahay damacyadiinna, sharafta shacabkeeduna way ka sarreysaa saameyntiinna iyo lacagtiinna.” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Fiqi ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay garteen waxa uu ku tilmaamay shirqoollada ka dhanka ah dalkooda iyo khatarta ka dhalanaysa siyaasadaha lagu beegsanayo madax-bannaanida, midnimada iyo amniga Soomaaliya.
Hadalka wasiirka ayaa yimid kaddib markii Golaha Wasiirrada Soomaaliya uu safiirka Imaaraadka ku amray inuu dalka uga baxo 72 saacadood gudahood, isla markaana dib ugu yeeray safiirka Soomaaliya u fadhiya Abu Dhabi si wadatashi loola yeesho. Golaha ayaa Imaaraadka ku eedeeyay “duullaan qaawan” oo ka dhan ah Soomaaliya.
Imaaraadka Carabta weli kama jawaabin hadalladii ugu dambeeyay ee Fiqi.