Muqdisho (Dawan) – Dowladda Aljeeriya ayaa tababarro xirfadeed iyo deeqo waxbarasho siin doonta injineerrada iyo ardayda Soomaaliyeed ee ku takhasusay cilmiga batroolka. Arrintan ayaa lagu shaaciyay wadahadallo Isniintii Muqdisho ku dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya iyo wafdi ka socday Aljeeriya.
Wafdiga Aljeeriya waxaa qaabilay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Cabdiwahaab Cabdi Cumar Caananuug, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Xaashi Carabey, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (SPA), Cabdiqaadir Maxamuud Aadan.
Caananuug oo kulanka kaga hadlay magaca Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay danaynayso iskaashi gacan ka geysanaya dhismaha iyo kobcinta awoodda xirfadeed ee dalka, halkii ay ku tiirsanaan lahayd gargaar keliya.