Muqdisho (Dawan) – Mareykanka ayaa sannad kale maalgelin doona Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), sida ay werisay Wakaaladda Wararka ee AFP. Go’aankan ayaa yimid laba bilood kaddib markii Washington ay ku dhawaaqday in aysan sii maalgelin doonin xafiiska saadka siiya ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Axaddii u sheegtay AFP in Washington, kaddib dib-u-eegis ay samaysay, ay go’aansatay inay “taageerto cusboonaysiinta waajibaadka UNSOS iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) muddo hal sano ah.”
Bishii Sebtembar, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in Washington aysan mar dambe maalgelin doonin ama taageeri doonin UNSOS, oo miisaaniyaddiisa sannadlaha ah ay ku dhowdahay $500 milyan. Mareykanku wuxuu xilligaas oggolaaday oo keliya muddo 12 bilood ah oo lagu dhimayo hawlaha xafiiska, taas oo bilaabanaysa Janaayo 2027, kaddibna la xirayo.
UNSOS waxaa lagu maalgeliyaa qaaraanka khasabka ah ee ay bixiyaan waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay. Mareykanka ayaa bixiya qiyaastii 26 % miisaaniyadda guud ee Qaramada Midoobay, sida uu weriyay wargeyska The EastAfrican. Xafiiska UNSOS ayaa ciidamada AUSSOM siiya cunto, biyo, shidaal, adeegyo caafimaad iyo gaadiid.
Miisaaniyadda sannadlaha ah ee AUSSOM ayaa ah $190 milyan, hase yeeshee hawlgalku wuxuu wajahayaa dhaqaale-yaraan baahsan. Sannadkii hore, Mareykanka ayaa hor istaagay soo jeedin ahayd in qaaraanka Qaramada Midoobay lagu daboolo afar-meelood meel ka mid ah miisaaniyadda AUSSOM.