Jabuuti (Dawan) – Hay’adaha biyaha iyo fayadhowrka ee qaaradda Afrika ayaa Axaddii shir uga furmay dalka Jabuuti, si ay uga wada hadlaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada biyaha ee sii kordhaysa. Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka ugu oomanaha badan qaaradda Afrika.
Shirka oo soconaya muddo saddex maalmood ah, kuna eg Talaadada, ayaa ah kalfadhigii 98-aad ee Golaha Istaraatiijiyadda iyo Farsamada (CST) ee Ururka Biyaha iyo Fayadhowrka Afrika (AAEA). Hal-ku-dhegga shirkan ayaa ah “Xalal hal-abuur leh oo loogu talagalay fayadhowrka iyo sugnaanta biyaha Afrika.”
Wasiirka Beeraha iyo Biyaha ee Jabuuti, Radwan Cabdillaahi Baxdoon, ayaa si rasmi ah u furay shirka. Waxaa ka qaybgalaya madaxda shirkadaha biyaha, hay’adaha nidaamiya adeegyada biyaha, cilmi-baarayaal iyo deeq-bixiyeyaal, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Dowladda Jabuuti ee ADI.
Ka qaybgalayaashu waxay sheegeen in isbeddelka cimilada, kororka dadka iyo magaaloobidda degdegga ah ay cadaadis dheeraad ah saarayaan kheyraadka biyaha oo markii horeba xaddidnaa.
“Kulaylka, qoyaanka, cusbada ku jirta hawada iyo biyaha qaarkood, ciidda iyo boorku waxay tijaabiyaan agabkeenna iyo kaabayaashayada,” ayuu yiri Maxamed Fu’aad Cabdo, Agaasimaha Guud ee Xafiiska Qaranka ee Biyaha iyo Fayadhowrka (ONEAD). Waxa uu Jabuuti ku tilmaamay “shaybaar furan oo dhab ah” oo lagu tijaabiyo tiknoolajiyadda biyaha iyo fayadhowrka.
Jabuuti waxa ay leedahay ilo dabiici ah oo biyo-macaan ah oo aad u kooban. Baahideeda biyaha waxa ay ka dabooshaa saddex ilo: ceelal, dhuun biyaha ka soo qaadda dalka deriska ah ee Itoobiya iyo warshadda biyo-macaaneynta ee Dooraale, taas oo adeegsata habka sifaynta ee loo yaqaan “reverse osmosis”.
ONEAD ayaa sheegtay in mid ka mid ah xaafadaha caasimadda ay muddo shan sano ah ka shaqaynaysay shabakad bullaacadeed oo adeegsata habka nuugista hawada (vacuum), laguna magacaabo VACUVIDE. Hay’addu waxay sheegtay in ay tahay shabakaddii ugu horreysay ee noocaas ah ee laga hirgeliyo Afrika. Nidaamkan ayaa meesha ka saaraya baahida loo qabo qodista godad dhaadheer, gaar ahaan deegaannada xeebaha ee dhulka hooseeya, halkaas oo biyaha dhulka hoostiisa ku jira ay mararka qaarkood aad ugu dhow yihiin oogada dhulka.