Nairobi (Dawan) — Bal qiyaas adigoo dalkaga uga cararaya dagaal, xuduudo ka gudbaya adigoon haysan dukumentiyo dhammaystiran, xabsiyo ku soo maraya lix dal, sannado badanna raadinaya meel ammaan ah oo aad hoy ka dhigato.
Haddana qiyaas adigoo dib ugu laabanaya dalkii aad ka qaxday, adigoon u soo noqon inaad dib u hesho wixii kaa lumay, balse aad u adeegto dadkii aad ka tagtay.
Taasi waa qisada Cabdisalaan Guuleed uu kaga warramayo buuggiisa xusuus-qorka ah ee The Man Who Failed to Die: A Memoir of Multiple Lives , kaas oo 14-kii Nofeembar lagu daahfuray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Guuleed ayaa Soomaaliya ka qaxay horraantii sagaashamaadkii, xilli dagaalladii sokeeye ay burburiyeen dalka. Waxa uu sheegay in ay ku qaadatay afar sano inuu gaaro Boqortooyada Ingiriiska, halkaas oo uu ugu dambayn degay, kaddib safar adag oo uu dalal badan ku soo maray.
“Markii aan Soomaaliya ka tagay, waxaan u cararay inaan naftayda badbaadiyo. Dalkaygii wuu burburay, ammaankuna aad buu u liitay. Waxaan raadinayay nolol wanaagsan iyo meel ammaan ah,” ayuu yiri.
Intii uu safarka ku jiray, Guuleed waxa uu sheegay in lagu xiray lix dal oo kala duwan, inkastoo uusan wax dembi ah gelin. “Waxaan xabsiyo ku soo maray lix dal oo kala duwan. Wax khalad ah ma aanan samayn. Waxaan keliya raadinayay nolol wanaagsan,” ayuu yiri.
Kaddib ku dhowaad labaatan sano oo uu dibadda ku noolaa, Guuleed ayaa Soomaaliya ku soo laabtay, isagoo doonayay inuu ka qayb qaato dib-u-dhiska dalkiisa.
Go'aankaas waxa uu ku yimid naf-hurnimo, maadaama uu muddo dheer ka maqnaa qoyskiisa. Waxa uu sheegay inuu 18 sano ku bixiyay dadaallo uu ku doonayay inuu gacan ka geysto dhismaha Soomaaliya, si carruurtiisa dibadda ku nool ay maalin uun dalkooda hooyo ugu dareemaan hoy ay leeyihiin.