Midowga Afrika ayaa ka walaacsan go'aanka Mareykanka ee xanibaadda safaradda qaar ka mid ah dalalka Afrika.
Qoraal uu soo saaray Midowga Afrika 5-tii bishaan ayaa lagu muujiyay walaaca ka dhashay xanibaadda cusub ee uu Mareykanku soo rogay, iyagoo ugu baaqay Mareykanka in uu wadahadal la yeesho dalalka ay xanibaaddu saameysay.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale sheegay in go’aankan Mareykanka uu saameyn ku yeelan karo xiriirka labada dhinac, sida waxbarashada, ganacsiga, xiriirka diblomaasiyadeed, iyo danaha guud ee ku aaddan xasilloonida, barwaaqada, iyo iskaashiga caalamiga ah.