Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah Hay’adda Iskaashiga iyo Isku-duwidda Turkiga (TIKA) ugala wareegtay 10 beerood oo dadan (greenhouses) oo loogu talagalay kordhinta wax-soo-saarka beeraha, casriyeynta hababka wax-beerista iyo abuurista fursado shaqo oo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Beerahan ayaa ah wajiga labaad ee mashruuc ay TIKA iyo Wasaaradda Beeraha si wadajir ah u fuliyeen, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo qaybta beeraha ee Soomaaliya. Beeraha waxaa la socday qalab beereed ay ka mid yihiin mashiinnada buufinta, abuurka, bacriminta iyo xargaha lagu taageero dhirta.
Munaasabadda la wareegista beeraha waxaa hoggaaminayay Siyaad Cabdi Jaamac, oo ah ku-simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee wasaaradda, sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda oo la soo saaray Axaddii.