Muqdisho, 16 Abriil 2025 –Al-Shabaab ayaa la wareegtay gacan ku haynta magaalada Aadan Yabaal, oo ku taalla gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib weerar culus oo ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sida uu u sheegay sarkaal amni oo codsaday in aan magaciisa la shaacin sababo la xiriira xayiraadaha saxaafadda, Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa aroornimadi hore ee saakay ku qaaday saldhigyada ciidamada Soomaaliyeed ee magaalada iyo nawaaxigeeda, taasoo keentay in ciidamada ay ka baxaan magaalada kadib dagaal qaraar.
“Dagaal culus ayaa dhacay kadib weerarro dhowr ah oo isku mar la qaaday. Ugu dambeyn ciidamadu waa ay ka soo baxeen magaalada,” ayuu yiri sarkaalka.
Waxaa la rumeysan yahay in labada dhinacba ay khasaare ka soo gaartay dagaalka, inkasta oo tirada saxda ah ee dhimashada aan weli la xaqiijin.