Muqdisho (Dawan)— Muqdisho ayaa 5-tii Oktoobar lagu qabtay munaasabad lagu soo dhaweynayay koox dhakhaatiir ah oo khibrad caalami ah leh, kuwaas oo ka kala yimid Hindiya iyo Imaaraadka Carabta, waxaana Soomaaliya keenay Aster Hospital. Dhakhaatiirtan ayaa Isniintii bilaabay la-tashiyada iyo adeegyada caafimaad ee ay siinayaan bukaannada ku sugan Muqdisho, iyadoo Aster Hospital uu ballaarinayo howlaha caafimaad ee caasimadda Soomaaliya.
Kooxda dhakhaatiirta ah waxaa ka mid ah Dr. Gokulakrishnan P J, oo ah madaxa waaxda kaadi-mareenka ee Aster Whitefield ee magaalada Bangalore. Waxa uu ku takhasusay kansarrada ku dhaca hab-dhiska kaadi-mareenka, qalliinnada robot-ka lagu sameeyo, beerista kelyaha, dhagxaanta kelyaha iyo xanuunnada qanjirka ‘prostate’-ka.
Waxaa ka mid ah Dr. Vishwajeeth K Pai ayaa ah dhakhtar ku takhasusay kansarka, gaar ahaan kansarka naasaha, kansarrada ku dhaca xubnaha taranka haweenka iyo kansarrada hab-dhiska kaadi-mareenka.
Sidoo kale kooxa waa ku jira Dr. Sudeep Kadimpati ayaa ah khabiir ku takhasusay lafaha, isagoo leh in ka badan 13 sano oo waayo-aragnimo ah. Waxa uu khibrad gaar ah u leeyahay beddelka kala-goysyada jilibka iyo miskaha, qalliinnada robot-ka lagu sameeyo iyo dhaawacyada ciyaaraha.