Jabuuti (Dawan)— Hay’adda Kastamyada Adduunka (WCO) ayaa taageero farsamo siinaysa barnaamij tababar oo loo qabanayo saraakiisha Kastamka Jabuuti, kaas oo lagu xoojinayo dadaallada lagula dagaallamayo tahriibka sharci-darrada ah ee hubka fudud, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Laba khabiir oo ka socda WCO ayaa taageero farsamo ka bixinaya tababarka, kaas oo Isniintii ka bilowday Jabuuti, waxaana la filayaa inuu socdo illaa 8-da Oktoobar. Ku dhowaad 30 sarkaal oo ka tirsan adeegga kastamka qaranka Jabuuti ayaa ka qaybgalaya.
Abuubakar Burhaan Hamaada, Agaasimaha Guud ee Ku-meelgaarka ah ee Kastamka, ayaa sheegay in tahriibka sharci-darrada ah ee hubka fudud uu yahay khatar halis ah, maadaama uu sii hurin karo dambiyada, xasilooni-darro ku keeni karo dhaqaalaha, isla markaana si toos ah khatar ugu yahay nolosha muwaadiniinta. Tababarka ayaa lagu baraya saraakiisha kastamka sidii ay u horumarin lahaayeen awooddooda ku aaddan ogaanshaha iyo ka hortagga tahriibka hubka, iyadoo sidoo kale maamulka kastamku adeegsanayo teknoolojiyado casri ah.