Muqdisho (Dawan) — Taliyaha ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Jeneraal Sam Kavuma, ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan dhul cusub ka qabsan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika tan iyo bishii Maarso 2025. Kavuma ayaa wareysi gaar ah uu siiyaay warbaahinta gudaha isniintii ku sheegay in ciidamada Soomaaliya iyo AUSSOM ay muddadaas kooxda ka saareen Sabiid, Bariire, Awdheegle, Mubaarak iyo Daarusalaam. Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay lumisay dhul, dagaalyahanno iyo saraakiil ciidan, arrintaas oo uu sheegay inay hoos u dhigtay niyadda xubnaha kooxda.
Si kastaba ha ahaate, taliyuhu wuxuu ka digay in Al-Shabaab ay weli tahay khatar weyn, maadaama dagaalka lagula jiro uusan ku koobneyn koox hubeysan oo keliya, balse uu sidoo kale yahay loollan ka dhan ah fikirka ay faafiso. “Qoryaha oo keliya ma soo afjari karaan dhibaatada Al-Shabaab,” ayuu yiri Kavuma.
Wuxuu sheegay in hawlgallada milatari lagu kabayo wax ka qabashada duruufaha amni, dhaqaale, cunto, caafimaad, deegaan iyo bulsho ee kooxdu ka faa’iideysan karto. Kavuma ayaa intaas ku daray in dowladda iyo ciidamada Soomaaliya ay hoggaaminayaan dagaalka guud, halka AUSSOM ay kaalin taageero ah ka qaadato. Inkasta oo ciidamada Midowga Afrika ay mararka qaarkood hoggaamiyaan hawlgallo gaar ah, wuxuu sheegay in jihada istaraatiijiga ah ay Soomaaliya leedahay.