Muqdisho (Dawan) Sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Hawlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta iyo Taageerada Soomaaliya (AUSSOM), saddex ka mid ah rakaabkii 8-da qof ee saarnaa helikobtar ku dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Abdulle ee Muqdisho ayaa si degdeg ah loo badbaadiyay, waxaana isla markiiba loo qaaday Isbitaalka AUSSOM ee Heerka II ee Muqdisho si loo siiyo daryeel caafimaad.
Sida ay ku sheegaty AUSSOM bayaanka Helikobtarka ayaa waxaa watay Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF), ayaa ka soo baxay saldhigga milatariga ee Balidoogle, waxaana shilka ka dhacay subaxnimadii Arbacada.
Bayaanka AUSSOM wuxuu sheegay in saddexda rakaab ah ee si degdeg ah loo badbaadiyay ay helaan daryeel caafimaad, iyadoo hawlgalka badbaadinta uu socdo si loo soo saaro rakaabka iyo shaqaalaha kale ee ku jiray helikobtarka.