Muqdisho, 14 Decembar 2025 (Dawan)- Guddiga Agaasimayaasha Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa ansixiyay maalgelin dheeraad ah oo dhan 76.37 milyan oo doolar, taas oo loogu talagalay ballaarinta Barnaamijka Kaabeyaasha Waddooyinka Soomaaliya, kana mid ah mashruuca marinka istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika ee isku xira Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya.
Maalgelintan cusub ayaa ka kooban 49.16 milyan oo doolar oo ka imanaysa Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF), oo ah qeybta bangiga u qaabilsan deeqaha iyo deymaha fudud, iyo 27.21 milyan oo doolar oo laga helayo Sanduuqa Taageerada Kala-guurka (Transition Support Facility – TSF), kaas oo taageera dalalka u nugul dhibaatooyinka ee ku saamoobay colaadaha.
Bangiga ayaa sheegay in barnaamijkan uu diiradda saarayo horumarinta isku xirka gaadiidka gudaha Soomaaliya iyo kan u dhexeeya dalalka deriska ah ee Geeska Afrika, si loo dhiirrigeliyo ganacsiga xuduudaha ka gudba, loona xoojiyo isdhexgalka gobolka isla markaana loo yareeyo caqabadaha ka jira waddooyinka muhiimka ah.
Agaasimaha Kaabeyaasha iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Bangiga Horumarinta Afrika, Mike Salawou, ayaa sheegay in baahida loo qabo maalgelinta dheeraadka ah ay ka dhalatay ballaarinta baaxadda mashruuca.





