Muqdisho (Dawan)— Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah safiirka Imaaraadka Carabta ku amray inuu dalka uga baxo 72 saacadood gudahood, halka ay sidoo kale dib ugu yeereen safiirka Soomaaliya u fadhiya Abu Dhabi, iyagoo Imaaraadka ku eedeeyay waxa ay ku tilmaameen duullaan qaawan oo ka dhan ah madax-bannaanida dalka.
Go’aannadan ayaa ka soo baxay shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, kaas oo looga hadlay warbixinno la xiriira faragelinta iyo tallaabooyinka ay dowladdu ku eedeysay Imaaraadka Carabta.
Golaha ayaa sheegay in falalka Imaaraadka ay xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga ah, gaar ahaan mabaadi’da dhowrista madax-bannaanida iyo qarannimada dowladaha.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu amray inay safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka dib ugu soo celiso dalka, si madaxda qaranku ay wadatashi ula yeeshaan, isla markaana ay safiirka Imaaraadka ee Muqdisho ku wargeliso inuu dalkiisa ku laabto muddada loo qabtay.