Hordhac
Waxaan ka hadli doonaa go’aankii ay soo saareen qaar ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee ku saabsanaa dacwadda dastuuriga ah, waxaana faaqidaadda ku soo koobi doonaa arrimaha soo socda:
Dhinacyada Dacwadda.
Guntimid La’aanta Kooramka.
Guddoominta Dacwadda.
Dhageysiga Dacwadda iyo Habraaca Qaadista Dacwadda.
Tixgelinta Arrimaha Siyaasadda.
Dalabka Dacwoodaha iyo Jawaabta Maxkamadda.
Xeerarka la baalmaray.
Talo Soo-jeedin.
Haddaba, waxaan mid mid u faaqidi doonaa qodobbada kor ku xusan.
1. Dhinacyada Dacwadda
Dacwad kasta waxay leedahay dhinacyo ay sharciyan waajib ku tahay inay ka soo qaybgalaan dacwadda, sida uu dhigayo Qodobka 5aad ee Lifaaqa Xeerka Nidaamka Garsoorka Soomaaliyeed, oo soo baxay 30-kii Juun 1962-kii. Qodobkaasi wuxuu dhigaya in dhinacyada ay waajib ku tahay inay ka soo qaybgalaan fadhiyada dacwadda dastuuriga ah.
Dacwadda Dastuuriga ah waxaa ka soo qaybgalaya dhinaca ay khusayso, Garyaqaanka Guud oo wakiil ka ah dowladda iyo Xeer-ilaaliyaha Guud oo ilaalinaya arrimaha dastuurka.
Haddaba, go’aanka summaddiisu tahay MS/DST/01/2026, kuna taariikhaysan 05/11/2026, sida ku cad boggiisa koowaad, dhinacyada dacwaddani waxay ka kooban yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah dacwoodaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah dacweysanaha, taas oo uu matalayo Garyaqaanka Guud.
Dacwaddaas waxaa ka maqan dhinaca saddexaad ee uu sharcigu dhigayo inay khasab tahay inuu ka qaybgalayo dacwadda, kaas oo ah Xeer-ilaaliyaha Guud oo ilaalinaya arrimaha dastuurka. Maxkamadda Sare, oo isu rogeysa Maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa halkaas ku baalmarTay Qodobka 5aad ee Lifaaqa Xeerka Nidaamka Garsoorka. Sidaas darteed, haddii dhinacyadu aysan si siman uga qaybgelin dacwadda, natiijada go’aanku waxay noqonaysaa mid baadil ah.
2. Buuxsamida Kooramka (Guntimid La’aanta Kooramka Maxkamadda)
Maxkamad kasta, marka ay dacwad u fadhiisanayso, waa inay buuxisaa kooramka garsoorayaasha uu sharcigu tilmaamayo. Maxkamadda Sare, marka ay qaadayso dacwadaha Dastuuriga ah, waa inay dacwadda ku gashaa xubnaha Garsoorayaasheeda oo dhan iyo afar garsoore oo dheeraad ah, kuwaas oo ka kala imaanaya:
a. Laba Garsoore oo ka imaanaya shacabka, kuwaas oo uu magacaabayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaana soo jeedinaya Golaha Wasiirrada.
b. Laba Garsoore oo uu soo xulayo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuna soo dooranayo cod aqlabiyad leh.
Taas macnaheedu waa in dacwadda Dastuuriga ah lagu galo 15 Garsoore, maadaama ay hadda shaqaynayaan 11 Garsoore. Sida waafaqsan Qodobka 130aad, farqaddiisa 6aad ee Dastuurka JFS, waxaa cad in 11 + 4 = 15 Garsoore ay ahayd inay ka qaybqaataan dacwadda Dastuuriga ah.
Haddaba, haddii aynu arrinta buuxsamida ama guntimida kooramka ku dabaqno go’aanka kor ku xusan ee ay soo saartay Maxkamadda Sare, wuxuu noqonayaa go’aan baalmaraya Qodobka 2aad ee Lifaaqa Xeerka Nidaamka Garsoorka, kaas oo ka hadlaya guntimidda kooramka Maxkamadda qaadaysa dacwadda Dastuuriga ah, maadaama ay go’aankaas ku saxiixan yihiin shan garsoore oo keliya, sida ku cad boggiisa shanaad.
3. Guddoominta Dacwadda
Haddii doodda Garsoorayaasha dacwadda galay ay tahay inay raaceen Xeer Lr. 23 ee soo baxay 27/06/2016, kaas oo lagu dhisay Maxkamadda Dastuuriga ah, isla markaana dhigaya in garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ahi ka kooban yihiin shan garsoore, dooddaasi waa mid aan sal lahayn. Sida uu dhigayo Qodobka 24aad ee xeerkaas, farqadihiisa shanaad iyo lixaad waxay waajibinayaan in dacwadda uu guddoomiyo Guddoomiyaha Maxkamadda, taasina ma dhicin. Waxaa intaas dheer in 04/11/2026 xilka laga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda, halka go’aanku soo baxay 05/11/2026. Arrintaasi waxay ka dhigaysaa go’aanka ay Maxkamaddu soo saartay mid bursan.
4. Dhageysiga Dacwadda iyo Habraaca Qaadista Dacwadda