Muqdisho (Dawan) — Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB) ayaa sameeyay maalgashigiisii ugu horreeyay, iyadoo dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo nidaamyada maalgelinta muddada dheer ee taageeraya koboca dhaqaalaha iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Arrintan ayaa lagu shaaciyay Madasha Maaliyadda Horumarinta Soomaaliya, oo maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo halku-dhiggeedu ahaa “Maalgelinta Cutubka Xiga ee Soomaaliya: Ka Soo Kabasho ilaa Horumar Waara.”
Madasha ayaa isu keentay mas’uuliyiin sare oo dowladda ah, hoggaamiyeyaasha hay’adaha maaliyadda, ganacsatada gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta horumarinta, si looga wada hadlo fursadaha maalgelinta ee taageeri kara horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay astaan muujinaysa horumarka Soomaaliya ka sameyneyso dib-u-dhiska hay’adaha iyo kobcinta dhaqaalaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta maalgelin ku salaysan aragti fog, taas oo abuureysa suuqyo waara, xoojinaysa ganacsiga gaarka loo leeyahay, isla markaana maalgelinta ku jihaynaysa waaxyaha wax-soo-saarka ee dhaqaalaha dalka.
Doodaha madasha ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa maalgelin taageerta waaxyaha muhiimka ah sida beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo tamarta la cusboonaysiin karo, iyo doorka SDRB ee buuxinta baahiyaha maalgelin ee ganacsiyada iyo mashaariicda horumarineed.